Waxyeelada gudniinka gabdhaha ee dhinaca caafimaadka

Gudniinku wuxuu dhibaateeyaa caafimaadka gabadha. Haweenka iyo gabdhaha gudan intooda badan kama helaan inay ka sheekeyaan waayo aragnimadii gudniinkooda iyo dhibaatooyinka ay dabadeed soo mareyn. Runtii waa loo baahanyahay in la xuso dhibaatada guditaanka ee haweenkeenu la soo kulmayn.  

Dhibaatada degdeg ah

1.  Xanuun xad dhaaf ah: Taasoo ay keentay kabaabyo la’aanta xubnaha la goynayogaarahaan baadiyaha iyo tuulooyinka.Xataa haddii la kabaabeeyo xubintii, daawadu markay ka baxdo ayaa xanuun oo dhami halkii ka bilabanayaa. Wax yar oo ku gooyey ayaad garan kartaa xanuunkooda maxad u malaynaysaa xubin jirkaaga ka mid ah oo la jaray.

2.    Dhiigbax iyo hurgun: Xubinta la jaro waxaa ku yaal xididdo yaryar, haddii la gooyana waxay keni karaan dhiigbax badan oo dili kara gabadha. Waxaa kaloo dhici karta inuu caalir/ hurgun gabadha ku dhasho, caalirkaas oo raagana wuxuu keeni karaa xanuun joogta ah, taasoo mustaqbalka sababi karta in gabadha dhalmo la’aan haleesho.

3.    Celinta kaadida: Waxaa dhacda marka la gudo gabadhu inay isku celiso kaadida. Sabaabtoo ah kaadidu waxay taabanaysaa dhaawacii, taasoo run ahaantii xanuun iyo xafaf badan. Kaadida waxaa ku jira qashin badan oo jirku iska saaro sidaadarteed hakashadaas waxaa ka dhalan kara barar iyo hurgun khatar ah weliba xummad leh.

4.  Dib u qodbidda: Toddobaadyo ka dib ayaa la eega siday isku qabsadeen xubnihii la jaryay. Haddii ay cadaato inaysan sidii la rabay isu qabsan, waxaa lagu celiya gabadha tolliin ama qodbid cusub. Taana waxay u keentaa ilmaha yar naxdin iyo niyad jab hor leh. Waxaa kale oo dhacda in dhaawaca oo horey u bogsan waajaa uu keni karo hurgun, dhiigyari iyo nafaqodarro.

Dhiibaatada dambe:

1.  Xanuunka caadada: Gabdho fara badan ayaa bil kasta ku xanuunsada dhiigga caadada. Waayo dhiiggu si caadi ah uguma soo bixi karo, sababtuna waa daloolka loo rebay oo ah mid aad u yar. Marmarka qaarkoodna waxaa dhacda in dhiiggu ku xinjiroobo gudaha taasoo keeni karta infekshan. Waxaana laga yaabaa in infekshankaasi ku fido xubnaha taranka, sida ilmogaleenka, dhuumaha iyo ugxansidayaasha, ayna dhici karto in gabadhu mustaqbalka ay ilmo la’aan ku dhacdo.

2.   Caalir/infekshan: Waxaa dhacda in haweenka qaar ka mid ah dhabar iyo gumaar xanuun la taahan taasoo marmar keento infekshan haleelo xubnaha taranka, kelyaha iyo kaadi haysta. Inta badan gudniinka fircooniga ayaa arrimahani u sabab ah.

3.   Waqtiga guurka: Waxaa dhab ah in markii gabadha guursato ay dhibaato kala kulanto galmada.  Gabadhu waxaysan ka fursanaynin laba arrin midkood, tan kowaad in ninkeedu furo iyo tan labaad oo ah in loo geeyo takhtar ama ummuliso ibtii u balaarisa. Mid kasta xanuunkeeda gaarka ah ayey leedahay.

4.   Waqtiga foosha: Takhatiir badan waxay sheegeen in foosha adag ama waqtigeedu dheerado ay ka timado badanaa gudniinka. Taana waxaa sababay maqaarkii xubinta oo adkaaday. Waxaana dhacda marmarka qarkood in ilmuhu soo bixi waayaan kuna daahaan kafka taasina waxay keeni kartaa in hawo la’aani ilmaha ku dhacdo. Haddii aan hooyada loo helin gagaar degdeg ah waxaa dhici karta in hooyada iyo ilmuhuba wada geeriyoodaan.

    Wargelin: Xanuunada haweenka qaarkood haya waxaa laga yaabaa inuu wax shaqo ah ku lahayn guditaankii ay soo marayn. laakiin waxaa dhici karta in xanuunada qaar uu lug ku leeyahay guditaankii ay soo martay taasow  haweenka inta badan xanuunkaasi ayna la xiriirin guditaankooda. Waxaa kaloo xusid mudan in la ogaada nooc kasta oo gudniin ah inuu wato dhibaato.     

Contact information

Address: Donker Curtiusstraat 7 K137
               1051 JL Amsterdam
Telephone: 020 4861 628,
International: +31 20 4861 628
Projec managerr FGM:
Zahra Naleie, Tel.: 06 5212 3594