Gudniinka gabdhaha

Waa maxay gudniinka gabdhaha?

Gudniinka gabdhaha wuxuu yahay fal lagu jaro jaro xubinta cowradda gabdhaha. Wuxuuna leeyahay noocyo kala duwan. Gudniinka gabdhaha waxaa loo yaqaan afka Nederlaanka (Vrouwelijke Genitale Verminking - VGV, Vrouwenbesnijdenis iyo meisjesbesnijdenis ) .Afka Ingiriiskana waxaa lagu magacaabo Female Genitale Mutilation (FGM). Soomaliga badanaa waxaa lagu magacaabaa gudniinka sunnaha, fircoon iyo xalaaleyn.

WHO hay'adda qaraamada midowbeyd ee caafimaadka waxay ku talisay in gudniinka gabdhaha  aan innaba qof takhtar caafimaad ah fulin ama goob caafimaad sida isbitaal lagu qaban. WHO waxay amartay in nooc kasta gudniinka dumarka ah adduunka laga mamnuuco. Ayagoo fulinaya amarrada iyo talada WHO ayaa waddamo reer Yurub sharci ahaan mamnuuceen gudniinka dumarka nooc kasta uu yahay..

Gudniinka gabdhaha waxaa loo qaybiyaa afar nooca oo kala ah:

1. Sarid, ama jarid xubinta kintirka, noocan wax dhaawac looma geysto bushimaha/faruuraha xubinta waxaana loo yaqaan Sunne.  

2. Noocaani waxaa la jaraa qayb ama kintirka oo dhan. mararka qaarkood go'ynta kintirka waxaa weheliya bushimaha yar yar  oo inta kinterka u dhow dhamaantoodba la xiiro. Noocan sida badan lama dhawaaco bushimaha waaweyn.

3. Noocan waxaa lagu magacaabaa gudniin fircoon. Waa kan ugu dhibaato badan dhinaca caafimaadka waayo  waxaa la jaraa kintirka , bushimaha yar yar iyo bushimaha waa weyn, ka dib waxaa la isku tolaa ama la qodbaa labada qar ee xubinta dhaawacan waxaana gabadha loo reebaa dalool yar oo loogu talagalay inay soo maraan kaadida iyo caadada.

4. Waxyaalaha kale ee ku sabsan fal gudniinka waa noocyo badan oo isku jira sida saridii,duleylen, gubid xubinta iwm.

Wargelin:  guud ahaan 85% dumarka adduunka waxay u gudan yihiin nooca 1& 2aad ee kor ku xusan, 15% waxay u gudanyihiin nooca Fircoon

Contact information

Address: Donker Curtiusstraat 7 K137
               1051 JL Amsterdam
Telephone: 020 4861 628,
International: +31 20 4861 628
Projec managerr FGM:
Zahra Naleie, Tel.: 06 5212 3594