Sharciga gudniinka gabdhaha ee dalka Nederland

Laga soo bilaabo 1993 waxay qaaday dawladda Nederland talaabo lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha nooc kasta uu yahay.Wadankani malaha sharci u gaar ah gudniinka gabdhaha oo keliya laakiin wuxuu hoos yimaada sharciga bahdilka ama si xun ula dhaqmida carruurta (kindermishandelingen)

Qofkii fuliya ama fasaxa gudniinka gabdhaha waa eedeysane. Sida awgeed:

  • Ma bannana inaad fal gudniin ah caawintid
  • Ma bannaana inaad fal gudniin ah fursad siisid
  • Ma bannaana inaad tashilaad ama maagalin u sameysid fal gudniin ah
  • Ma bannaana inaad hoorseedid fal gudniin
Qofkii fuliya ama fasaxa gudniinka gabdhaha waa eedeysane, waxaana lagu xukumi karaa ilaa iyo 12 sano oo xarig ah. Haddii ay waalidka gabadha dhalay ayagu naftooda ficilkii guditaanka sameeyaan waxaa lagu xukumi karaa ilaa iyo 16 sano oo xarig ah.

Waxaa xusid mudan in la ogaado arrimahan : laga soo bilaabo 2006 waxay dawlada Nederlanda soo saartay sharci ah in hadddii gabadhaada lagu soo gudo wadan aan gudniinka gabdhaha weli laga mamnuucin ama sharci gudniin ka jirin tusaale sida Soomaaliya, in markaad soo laabatid haddii la ogaadi inaad gabadhii soo guday in maxkamad lagu saarayo.

waxaa kaloo jira laga soo bilaabo bishii luuliyo 2009 in la soo saaray sharci ah in gabadha ay ku dacweyn karto hadii aad soo guday  markay gaarto 18 sano ilaa 33 jirkeeda.

Contact information

Address: Donker Curtiusstraat 7 K137
               1051 JL Amsterdam
Telephone: 020 4861 628,
International: +31 20 4861 628
Projec managerr FGM:
Zahra Naleie, Tel.: 06 5212 3594