Sababaha gudniinka gabdhaha
Sababaha gudniinka gabdhaha waxaa loo cuskadaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qodobada hoos ku qoran:
- Diin: Dad badan ayaa aaminsan in gudniinka loo sameeyo arrin diiniyan ah awgeed, laakiin ma jirto aayad quraan ah oo ku soo aroortay gudniinka gabdhaha ama xadiis saxiix ah oo amraya in la gudo gabadhaha.
- Caado iyo dhaqan: Dad badan ayaa ayaguna ku dooda in gudniinku yahay caado iyo dhaqan soo jirayn ah sidaadarteed ay wanaagsantahay in la wado.
- Dhawrida bikranimada: Waxaa dad badan rumaysan yihiin in gudniinku dhawro ama ilaaliyo gabadha ilaa ay ka guursato. Runahaantii gudniinka iyo bikradnimadu iskuma xirna, waayo iyadoo gabadhu gudan tahay oo waliba qodban tahay ayey waxay doonto samayn karta.
- Nadaafad : Waxaa la yiraahdaa gabadha gudani waa nadiif, gudniinku waa qurux. Cilmigana waxaa lagu xaqiijiyey inaan arrimahaan waxba ka jirin. Waxaa qurux iyo nadiif leh sidii Ilaahay jirka u sameeyey.