Gudniinka gabdhaha

HORDHAC

Dalka Soomaaliya caadada gudniinka gabdhaha waa mid soo jirtay qarniyaal. In kastoo bulshaweynta Soomaaliyeed isbedello meelo badan ka sameeyeen ee la xiriira dhinaca horumarinta bulshada, barashada diinta islaamka haddana caadada gudniinka gabdhaha waa mid xididadeedu adagyihiin gaarahaan dhulka Miyiga iyo tuulooyinka. Sanadihii dambe isticmaalka ku dhaqanka caadadani wuxuu noqday mid laga hadli karo bulshada dhexdeeda.

Waxaa jirta in magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya in gudniin fircoonigii ku sii yaraanayo iyadoo loo gudbay nooca Sunnah inskatoo ayna jirin tirokoob sax ah oo sheegayaa tirada noocyada gudniinka ee laga isticmaalo Soomaaliya.  Qurbojooga  Soomaaliyeed waxay yiraahdaan waan iska dayney gudniinka gabdhaha laakiin waxaa jirta in waalidiinta qaar in gabdhahooda waqtiga fasax dugsiyadda la geeyo wadamo kale gaarhaan Afrika iyo bariga dhexe halkaasi oo lagu gudo gabadhee yareed. Wadamada Yurub gaarahaan wadanka Nederland waxaa ka jira sharci mamnuucaya nooca kasta oo gudniinka gabdhaha.qofkii lagu helo waa dambiile wuxuu mutaysanayaa xabsi u dhaxeeya 4-12 sano. 

Gudniinka gabdhaha ma áha wax Somaalidaa u gaar ah oo keliya waxaa looga dhaqmaa in ka badan 28 dal oo Afrikaan ah  iyo qaar ka mid ah qaaradda Aasiya, wuxuuna  dhaqankaasi  hadda ku faafay qaaradaha Yurub iyo America ,Canada ,Australia, New zeeland iwm waxaa keenay dadka haajirayaasha iyo qaxootiga . Ilaa iyo hadda adduunka waxaa la guday in ka badan 130 malyuun oo gabdho iyo haween, waxaan sanad walba khater ugu jiraa ilaa 3 malyan oo gabdhood taa waxay u dhigantaa in maalintii lagudo in ka badan 6000 oo gabdhood


Contact information

Address: Donker Curtiusstraat 7 K137
               1051 JL Amsterdam
Telephone: 020 4861 628,
International: +31 20 4861 628
Projec managerr FGM:
Zahra Naleie, Tel.: 06 5212 3594