
Gudniinka gabdhaha waxaa laga isticmaalaa 28 waddan oo Afrikaan ah(fiiri kaartada Afrika). Waxaa kaloo isticmaala dadweyne kale oo ku nool waddamada Aasiya gaarahaan qabiilaad yar yar oo ku nool Indoonisiya iyo Maleeshiya iyo Bariga dhexe sida Yemen. Addunka ilaa iyo hadda waxaa la guday in ka badan 130 malyuun oo dumar ah. Sida Unicef sheegtay sannad kasta waxaa khatar ugu jira in la gudo 3 malyuun oo gabdho ah, taasow maalintii la gudo in ka badan 6000 oo gabdhood. waqtigaan xaadirka ah gudniinka gabdhaha maáha arrin keliya oo Afrika u gaar ah wuxuu ku baahay adduunka taasow ay keenayn dadka qoxootiga ama haajirayaasha kale. Tusaale barlamaanka Yurub wuxuu sheegay in wadamada Yurub ku noolyihiin in ka badan 500,000 dumar oo gudan, sanad walbana khatar ugu jiraan in la gudo ilaa 180,000 gabdhood.
Da'da gudniinka gabdhaha
Da’da gudniinka gabdhaha waddamada wey ku kala duwan yihiin lakiin qiyaasta inta badan gabdhaha waxaa la gudaa caadada kowaad ka hor. Tusaale Eriteria iyo Itoobiya hablahooda waa lagu gudaa Umusha ama ilaa 3 bilood, Sudaan, Jabuuti iyo Somaaliya 5-10 jir. wadamo galbeedka Afrika u badan waxaa la gudaa gabdhahooda 12-17 jir, qaarkoodna waxaa la gudaa maalmo ka hor inta aan la guursan ama la aqal geyn.
Wargelin: Waxaa jirta in wadamada Afrikaanka ee laga isticmaalo gudniinka gabdhaha in bulshada ku nool qaarkood ayna ku dhaqmin ama aqoon u lahayn gudniinka gabdhaha, tusaale wadanka Senegaal waxaa laga isticmaal gudniinka gabdhaha 20% oo ah qabiilaad gaar ah. Laakiin sida Soomaaliya, Jabuuti iyo waqooyiga Sudaan inta badan gabdhahooda waa la gudaa.
