Asalka gudniinka gabdhaha
Gudniinku waa eray ay taariikhdiisu fog tahay qiyaas ahaan 2000 sano loogana dhaqmi jiray dalal kala duwan sida Masaaridii hore, Carabtii hore iyo waddamo kale. Hubaal waxay waxgaradka isku waafaqsan yihiin in gudniinka uu ka horeeyey ku dhaqanka diimaha Islaamka iyo masiixigaba sidaadarteed arrintaani ay tahay mid dhaqan ah oo aan shaqo ku lahayn dhinaca diinta.